FADEEXO:- Kheyre Oo Mushaarkii Shaqaalaha DFS Ku Bixinaya Mooshinka Jawaari

Ra’iisul wasaare Xasan Clai Kheyre ayaa lagu soo waramayaa in uu amray wasaaradda maaliyadda xukuumaddiisa in aanay bixin musharka shaqaalah rayidka iyo ciidamada, sababtuna waxay tahay wuxuu ku bixinayaa mooshinka Jawaari.

Kheyre ayaa la sheegayaa in hadda uu xoog badan iyo sidoo kale waqtiba gelinayo mooshinkan, wuxuuna doonayaa in Jawaari daaqadda laga saaro.

Ilo ku dhow Kheyre ayaa inoo xaqiijiyey in bishan dhamaaneysa iyo sidoo kale tan soo socota aanay shaqaalaha dowladda heli doonin wax mushaar ah.

Dowladdan ayaa sheegeysay iney la dagaallameyso musuqa balse xaqqii shaqaalaheeda ayeey ku bixineysaa mooshin laga keenayo guddoomiye baarlamaan.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT