Warning: include(/home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/menu/guide.php): failed to open stream: No such file or directory in /home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/adminmenu.php on line 18

Warning: include(/home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/menu/guide.php): failed to open stream: No such file or directory in /home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/adminmenu.php on line 18

Warning: include(): Failed opening '/home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/menu/guide.php' for inclusion (include_path='.:/opt/cpanel/ea-php56/root/usr/share/pear') in /home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/adminmenu.php on line 18

Warning: include(/home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/menu/showcase.php): failed to open stream: No such file or directory in /home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/adminmenu.php on line 37

Warning: include(/home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/menu/showcase.php): failed to open stream: No such file or directory in /home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/adminmenu.php on line 37

Warning: include(): Failed opening '/home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/menu/showcase.php' for inclusion (include_path='.:/opt/cpanel/ea-php56/root/usr/share/pear') in /home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/adminmenu.php on line 37

Warning: include(/home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/menu/support.php): failed to open stream: No such file or directory in /home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/adminmenu.php on line 47

Warning: include(/home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/menu/support.php): failed to open stream: No such file or directory in /home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/adminmenu.php on line 47

Warning: include(): Failed opening '/home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/menu/support.php' for inclusion (include_path='.:/opt/cpanel/ea-php56/root/usr/share/pear') in /home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/adminmenu.php on line 47

Warning: Cannot modify header information - headers already sent by (output started at /home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/adminmenu.php:18) in /home/sadaq/public_html/wp-content/plugins/post-views-counter/includes/counter.php on line 276
Waxbadan Ka Ogwo Qaabkii Loo Qabtay Madaxii Maaliyada Al Shabaab Ee Banaadir & 2-Shabeelle | <link rel="pingback" href="http://www.halsheeg.com/xmlrpc.php" /> Waxbadan Ka Ogwo Qaabkii Loo Qabtay Madaxii Maaliyada Al Shabaab Ee Banaadir & 2-Shabeelle | Hal Sheegaha La Hubo

Waxbadan Ka Ogwo Qaabkii Loo Qabtay Madaxii Maaliyada Al Shabaab Ee Banaadir & 2-Shabeelle

Guddoomiye ku xigeenka Gobalka Shabeellaha hoose Cabdi Fitaax Xaaji Cabdulle ayaa ka warbixiyay Howlgalo ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ay ka sameeyeen degmada Awdheegle ee Gobalka Shabeelaha hoose oo lagu soo qabtay Horjoogayaal ka tirsan Maleeshiyada Al shabaab.

Guddoomiye ku xigeenka ayaa sheegay Howlgalkan oo ay iska kaashadeen Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya, Maamulka Degmada Awdheeegle iyo Kan Gobalka inay kusoo qabteen Horjoogihii Al shabaab ee Gobalada Banaadir iyo Labada Shabeelle iyo Sarkaal sare oo ka tirsan Amniyaadka.

“Howlgalo beryahaanba socday ayaa waxaa laga fulinaayay Degmooyin ka tirsan Gobalka Shabeelaha hoose oo ay ka mid tahay Degmada Awdheegle, waxaana iska kaashaday ciidanka Kumaandooska, Maamulka degmada Awdheegle iyo kan Gobalka Shabeelaha, waxaa u suura gashay in gacanta lagu soo dhigo Amiirkii Maaliyada Gobalada Banaadir iyo Labada Shabeelada ee kooxda Al shabaab oo la yiraaahdo Sheekh Cabdi kariin Abuu Xamza iyo Sarkaal sare oo ka tirsan Amniyaadka oo la yiraahdo Sheekh Muudeey oo lagu sheegay inuu kusoo tababartay Dhankaas iyo Beershiya”ayuu yiri

Cabdi Fitaax Xaaji Cabdulle ayaa sheegay in Mid ka mid Horjoogayaasha uu isku dayay inuu dagaal la galo ciidamada Kumaandooska xiligii lasoo qabanay, waxaana si awood leh gacanta ugu dhigay Ciidanka Dowlada, iyadoo la dilay Maleeshiyadii la socotay halka midka kalena uu sheegay in laga soo qabtay isagoo gurigiisa jiifa.

“Waxaa lagu qabtay Degmada Awdheegle, qaar si nabad ah dagaal la’aan ayaa lagu qabtay oo guryahooda ayaa loogu daatay, qaarna Maleeshiyaad iyo ciidan ayay wateen dagaal ayay isku dayeen waa laga awood roonaaday, Maleeshiyaadkoodana qaar way ka cararaeen qaarna howlgalka ayaa lagu dilay isku meel laguma soo qaban labadaan shaqsi midna waxaa lagu qabtay isagoo Saldhigiisa jooga halka mid kalena gurigiisa isagoo jiifa loogu galay lana soo qabtay”

Guddoomiye ku xigeenka Gobalka Shabeellaha hoose ayaa ugu dambeyn sheegay maalmaha soo aadan ay bilaaban doonaan Howlgalo kale oo ciidamada Dowlada ay ka sameyn doonaan degmooyin ka tirsan Gobalka Shabeellaha hoose.
Xafiiska wararka Ee Muqdisho-Soomaaliya
Email:-halsheeg@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT