Shariif Xasan oo Qorshe halis ku ah Jawaari kula heshiiyey R/W Kheyre oo u duulay Baydhabo

Madaxweynaha Maamulka koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow waxa ay ku wajahan yihiim Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Baay.

Shariif Xasan oo haatan ku sugan Muqdisho ayaa xildhibaano ka tirsan golaha Shacabka waxa ay ku eedeynayeen in uu ku lug leeyahay mooshinka laga gudbiyay Gudoomiye Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa waxaa haatan laga dareemaaya qaban qaabada ku aadan soo dhaweynta wafiga Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Inkastoo wali Shariif Xasan eedeynta uusan ka hadlin ayaa hadana waxaa jira warar sheegaya inuu gadaal ka riixayo mooshinka ka dhanka ah Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari.

Halsheeg Online

Xafiiska Wararka Muqdisho-Soomaaliya

Halsheeg@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT