Go’aanka C.C.Shakuur iska taagay warbixinta A/sare ka soo saaray Khilaafka Kheyre & Jawaari

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur oo ka mid ah Siyaasiyiinta Mucaaradka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay Go’aankii ay Aqalka sare ka soo saareen xal u helidda mooshinka ka dhanka ah Jawaari iyo loolanka ka dhex taagan Xildhibaanada.

C/raxmaan C/shakuur oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebooka ayaa soo dhaweeyay dadaalka uu Aqalka sare ugu jiro xal u helida loolanka ka dhex taagan Guddoonka Baarlamaanka.

Halkaan Hoose ka Akhriso Qoraalka:-

Waxaan soo Dhaweynayaa Dadaalka uu Aqalka Sarre ugu jiro xal u helidda loolanka ka dhex taagan gudoonka Baarlamaanka mar hadii laantii fulinta lagu eedeyey in ay dhinac la safatay Waa bisayl siyaasadeed hadii Soomaalidu is xaliso.

Halsheeg Online

Xafiiska Wararka Muqdisho-Soomaaliya

Halsheeg@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT