DAAWO:- Xasan Sheekh iyo CCC oo la saftay Jawaari, Go’aankii Aqalka Sare, Qatar & Dagaalkii Imaaraadka Carabta

Waxaa sii xoogeysanaya khilaafka u dhaxeeya Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari,kaasi oo salka ku haya diidmada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee ee sharciyadda mooshinka.

Waxaana Khilaafka uu saameyn ku yeeshay dhamaan xafiisyada Hay’adaha kala duwan ee Dowladda Soomaaliya,waxaana joogsaday shaqooyinkii ka socday iyadoo Wasiirada iyo Xildhibaanada ay ku mashquuleen mooshinka ka dhanka ah Jawaari.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay inuu taageerayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheikh CusmaaN Jawaari,isagoona wada qorshe lagu burinayo mooshinka.

Dhanka kale,Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Senator Cumar C/rashiid Cali Sharmarke ayaa wada abaabul uu ku taageerayo Guddoomiye Jawaari,islamarkaana uu ku kala fur furayo mooshinka laga diyaariyay.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa Safiir Awoodiisu sareyso oo xitaa Heshiisyada qaar geli kara u soo magacowday Soomaaliya,kaasi oo maalmihii u danbeeyay Muqdisho ku sugnaa.

HALKAAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA:-


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT