DAAWO:- Mudane Jawaari oo Xilka Guddoomiyaha BFS ku wareejiyay C/wali Muudeey iskuna diyaariyay mooshinka

Ku simaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna guddoomiye ku-xigeenka Koowaad Sheikh C/wali Ibraahim Muudeey oo maanta shir jiraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa wuxuu si deg deg ah ugu yeeray iney ku soo laabtaan Xildhibaanada dalka ka maqan kuna soo xaadiraan kalafadhiyada,wuxuuna Mr. muudeey uu sheegay in howlo muhiim ah horyaalaan Baarlamaanka Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in Xildhibaan kasta oo lahaa fasaxa uu ka qaaday si loo guto waajibaadka dastuuriga ee horyaala Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Ku simaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna guddoomiye ku-xigeenka Koowaad Sheikh C/wali Ibraahim Muudeey ayaa sheegay sheegay in Xildhibaanada Golaha Shacabka ay ku kala aragti duwanaan karaan fikirka,balse muqadas ay tahay in la dhowro heybadda iyo karaamada Golaha Shacabka.

Mar kale ayuu ku celiyay in Xildhibaanada maqan sida ugu dhaqsiyaha badan dalka ugu soo laabtaan maadama uu furan yahay kala fadhiga saddexaad ee Xildhibaanad Golaha Shacabka.
Halkaan Hoose Ka Daawo Muuqaalka:-


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT