Biixi oo Difaacay Itoobiya iyo Go’aankii Shirkada DP World dalka looga mamnuucay oo uu ka hadlay

Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa uu ka hadlay safar uu ku tagay Dalka Imaaraadka Carabta,isaga oo ka warbixiyay safarka ay ku tageen dalkaaso.

Muuse waxaa uu sheegay in go’aanka golaha shacabka iyo aqalka sare ee Soomaaliya ee ka dhanka ah heshiiskii DPWorl,Itoobiya iyo Maamulka Somaliland uu yahay wax laga xumaado.

Muuse waxaa uu sheegay in go’aanka dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya uusan saameyn ku lahayn Somaliland islamrkaana uusan iyaga micno badan ugu fadhiyin.

Waxaa uu sheegay in go’aanka Dowladda Federaalka ah ku mamnuucday DPWorld uu muujinayo sida uu yiri cadaawad ay Dowladda Federaalka ah heyso Maamulkiisa Somaliland.

Kaddib heshiiskii 1dii Bishan ay Imaaraadka ku kala saxiixdeen Sharikadda DPWorld,Maamulka Somaliland iyo Dowladda Itoobita,waxaa arrintaas sharci darro ku sifeeyay golaha labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya,waxaana ay dalka ka mamnuuceen Sharikadda laga leeyahay Imaaraadka.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT