Waa kuma Mas’uulka ka soo bixi kara Siyaasaddan Cakiran Kheyre & Jawaari?

Waxaa si aad ah la iskula dhexmarayaa mooshinka ka dhanka ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari.

Shacab iyo madax hadal heynta ugu badan waxay noqotay mooshinka,waxaana Arrintaan si aad ah looga hadal hayaa goobaha la isugu yimaado ee lagu shaaho,waxaana dadka saadaalinayaa shaqsiga sida dhabta ah mooshinkan ugu baxayo Jawaari iyo Xasan Cali Kheyre.

Waxaana Shacabka iyo qaar ka mid ah Xildhibaanada ujeedka mooshinka laga leeyahay ku tilmaameen mid Xukuumadda ay ku dooneyso iney isku difaacdo gaar ahaan Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ka cabsaday in mooshinka laga diyaariyo hawadana laga saaro.

Waxaana Arrintaasi ay sababtay in mooshin laga soo abaabulay Xafiiska Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya uu gil gilay Golaha Shacabka oo xitaa uu Jawaari gaaray inuu yiraahdo Xukuumadda oo la wareegtay howlihii Golaha Shacabka.

Kullamo is daba joog ah iyo lacago shacabka laga uruuriyay ayaa si bilaash ah loogu bixinaya mooshinada isdaba ordaya,waxaana qado iyo shirar ka socdaan hotelada ugu caansan magaalada Muqdisho.

Wararka qaar ayaa sheegaya in madaxweynaha uu ku guuleysan waayay inuu maslaxo kala dhigo Jawaari iyo Kheyre,islamarkaana lagu balamay in mooshinka Baarlamaanka la horgeeyo,sidaasina lagu kala baxo.

Xafiiska Wararka Ee Muqdisho-Soomaaliya
Email:-halsheeg@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT