R/W Kheyre oo diiday in la meel mariyo amar ka soo baxay Jawaari & Xiisad ka taagan Golaha shacabka

Iyadoo dhawaan uu Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari uu dalbaday in Ciidamada cusub ee dhawaan la dul dhigay xarunta Golaha Shacabka laga dul qaado.

Guddoomiye Jawaari ayaa si gaar ah fariintaasi ugu diray Laanta Hay’adda Fulinta ee Dowladda Soomaaliya gaar ahaan Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo uu ku sheegay inuu lahaa amarka Ciidamada dheeraadka ah lagu geeyay xarunta Golaha Shacabka.

Warar aan helnay ayaa sheegay in Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa diiday in Ciidamada dheeraadka ah laga dulqaado golaha shacabka,islamarkaana ay soo joogi doonaan ilaa iyo laga xalinayo khilaafka taagan ama meesha laga saarayo Guddoomiye Jawaari.

Ciidamada dheeraadka ah ayaa isugu jira Boolis iyo Nabad sugida lagu wareejiyay xarunta ka dib markii uu sii xoogeystay khilaafka Jawaari iyo Xasan Cali Kheyre.

Khilaafka Siyaasadeed ayaa iminka kor u sii kacaya,wuxuuna madaxweyne Farmaajo maaro u la’yahay sidii Arrimahaasi xal loogu raadin lahaa.

Xafiiska Wararka Ee Muqdisho-Soomaaliya
Email:-halsheeg@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT