Masuul Jawaari u dhow oo Kashifay xaalka sida uu yahay iyo Qorshaha Gudoomiyaha BFS

Guddoomiye Golaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Jawaari ayaa Kalsooni badan ku qaba inuu xilkan sii heynayo, isagoo heysta Xildhibaano aad u badan oo ka difaaci kara Mooshinka xilka qaadista, sida Sarkaal u dhow Guddoomiyaha uu u sheegay Wakaalada Warqaad.com.

Jawaari oo saacadihii ugu dambeeyay kulamo ka dhan ah ay Muqdisho ka wadeen Xildhibaanada Mooshin wadayaasha ah ayaa kulamo gaar gaar ah la yeelanaya Xildhibaanada isaga taageersan, waxaana kalsooni badan uu ka muujinayaa Kheyre iyo kooxdiisa inay ku fashilmi doonaan qorshaha ay wadaan.

Guddoomiye Jawaari ayaa la sheegay inuu habeen iyo maalin wado olole uu isku difaacayo, waxaana ka taageerayaa shaqsiyaad dowlada ka tirsan oo isku hadaf ay ka yihiin siyaasada iyo dowlado shisheeya.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa meel xasaasi ah maraya Muranka Mooshinka laga keenay Guddoomiye Jawaari, waxaan la saadaalin karin halka uu ku dambeyn doono.

Xafiiska Wararka Ee Muqdisho-Soomaaliya
Email:- halsheeg@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT