DAAWO:- Muxuu Yahay Heshiiska Farmaajo & Jawaari Iyo Qorshaha Kheyre?

Xiisadda Siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya ayaa mareysa meel xasaasi ah iyadoo magaalada Muqdisho ay gashay jawi cusub.

Xildhibaanada ku kacsan Gudoomiye Jawaari ayaa dhoola-tusyadii ugu dambeeyay sameeyay halka dhanka xildhibaanada taageersan Jawaari ay la hadlayaan oo kaliya saxaafada qaarkoodna ay baraha bulshada adegsanayaan.

Laakiin, waxaa heshiiyay madaxweyne Farmaajo & Gudoomiye Jawaari, warar lagu kalsoon yahay ayaana tilmaamaya in Villa Somalia ay ku kalsoon tahay in mooshinka Jawaari uu guul dareysan doono.

Wararka kale ee Somalia waxaa ka mid ah, Shirkii madaxda maamulada ee Garowe oo baaqday, waxaana sababta lagu sheegay iney tahay xiisadda siyaasadeed ee Somalia ka jirta.

Ilo wareedyo la helay ayaa sheegaya in kulankaas uu dib u dhacay ilaa 23ka bishan, waxaana madaxda maa mulada ay ka wada hadli doonaan xaaladda siyaasadeed ee Muqdisho ka jirta.

Halkaan Hoos Ka Daawo Muuqaalka:-

Xafiiska Wararka Ee Muqdisho-Soomaaliya
Email:-halsheeg@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT