Mudanayaal ku kulmay Muqdisho oo ku dhawaaqay Qorshe ka nixiyay Jawaari, kana quusiyay..

Mid ka mid ah Hoteelada Muqdisho waxa kulan deg deg ah ku yeeshay Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka gaar ahaan kuwa laga soo doortay deegaannada maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya,iyaga oo uga hadlay mooshinkii laga gudbiyay gudoomiyaha Golaha Shacabka.

Kulanka oo ah mid xasaasi ah ayaa Xildhibaanada laga soodoortay Koonfur galbeed oo gaarayay Kudhawaad 30-Xildhibaan waxa ay cadeeyeen mooqifkooda mooshinka,iyaga oo dalbaday in uu iscasilo Gudoomiye Jawaari

Waxa ay meesha ka saareyn in mooshinkan uu gadaal ka taagan yahay Ra’iisul Wasaare Kheyre ,sida Warar hore oo soo baxayay ay sheegayeen.

Guddoomiye Jawaari ayaa haatan xaalad Siyaasadeed oo aad u adag wajahaya,wuxuuna shir jiraa’id uu shalay ku qabtay magaalada Muqdisho uu ku shaaciyay inuu aqbalay mooshinka codna loo qaado.

Xafiiska Wararka Ee Muqdisho-Soomaaliya
Email:-halsheeg@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT