TOP NEWS:- Yaa Ka Mid Ah Wasiirada Ka Aargoosanaya Guddoomiye Jawaari?

Warar hoose oo ay heshay warbaahinta Halsheeg.com ayaa sheegaya in Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya ay ka faa’iideysanayaan Khilaafka u dhaxeeya Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre.

Khilaafkan oo cirka isku sii shareeray Saacadihii ugu dambeeyay ayaa laga filan karaa natiijo kasta oo foolxun ama in xal loo helo laakiin wasiirada qaar ayaa sii hurinaya Xiisada.

Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Islow oo khilaaf xoogan uu hore kala dhaxeeyay Guddoomiye Jawaari ayaa ka mid ah shaqsiyaad Xildhibaanada ugu badan usoo xira galinaya Ra’iisul wasaare Kheyre, isagoo doonaya inuu ka cad goosto Jawaari oo hore dhowr jeer ay iskugu dhaceen.

Wasiir Islow ayaa ku jira dadaal uu ku doonayo inuu xilka ku waayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Jawaari,waxaana la ogeyn qorshaha wasiirada qaar iyo Ra’iisul wasaare Kheyre sida uu noqon doono.

Xafiiska Wararka Ee Muqdisho-Soomaaliya
Email:-halsheeg@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT