Dadka Muqdisho oo ku hingoobay rajadii ay ka lahaayeen Madaxda Qaranka kadib markii xiisadda siyaasadeed ee Madaxd cirka isku shareertay

Iyada oo uu weli u taagan yahay,isla markaana uu sii xoogeysanayo khialafka u dhaxeeya Xukuumadda iyo Golaha Shacabka,ayaa waxaa ka hadlay qaar ka mid ah Shacabka Magaalada Muqdisho.

Xiisadaan ayaa dhawan soo ifbaxday kadib markii tiro xildhibaano ah ay mooshin ka gudbiyeen gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari,mooshinkas oo lagu eedeynayo in uu wado Wasiirka Koowaad ee dalka Xasan Cali Kheyre.

Qaar ka mid ah Shacabka Muqdisho oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxa ay sheegen in ay aad uga xun yihiin isqabqabsiga ka dhex jira Golaha Shacabka,isla markaana ay dalbanayaan in xal laga agaro.

Shacabka qaarkood ayaa aaminsan in khilaafkaan ay ku lug leeyihiin Dowladdo shisheeye,waxa ayna ugu baaqeen madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in uu xaliyo ama uu dejiyo xiisada Siyaasadeed ee ka jirta dalka.

Xafiiska Wararka Ee Muqdisho-Soomaaliya
Email:-halsheeg@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT