XOG CUSUB: – M/weyne Farmaajo iyo Guddoomiye Jawaari oo xal gaaray & Mooshinkii Xildhibaanada

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya ayaa xalay saqdii dhexe kulan deg deg ah la qaatay gudoomiyaha baarlamaanka Prof Maxamed Sh Cismaan Jawaari.

Kulankan oo ka dhacay Villa Somalia oo uu madaxweyne Farmaajo si deg deg ah ugu soo laabtay ayaa looga hadlay khilaafka heerka xoogan gaaray ee ka dhex jira Baarlamaanka Soomaaliya.

Ilo Wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Warqaad.com u sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu u sheegay Gudoomiye Jawaari inuu aad uga xun yahay mooshinka ka dhanka.

Sidoo kale, waxaa ay ku heshiiyeen inuu qabsoomo kalfadhiga baarlamaanka Soomaaliya isla markaana uu ka shaqeynayo sidii ay xildhibaanada mooshinkaas uga laaban lahaayeen.

Madaxweyne Farmaajo ayaa niyada u dajiyay Gudoomiye Jawaari, isagoo dhanka kale sheegay inuu mar kale isa soo hor fadhiisin doono isaga iyo Ra’isul Wasaare Kheyre.

Warkan ayaa kusoo aadaya xili Jawaari uu aqbalay mooshinkii xildhibaanada, waxaana la filayaa inuu qabsoomo kalfadhigii baarlanaanka.

Xildhibaanada mooshinka ka keenay gudoomiye Jawaari ayaa lagu sheegay iney gaarayaan 90 mudane, waxaana hogaaminaya gudoomiye ku xigeenka koobaad ee Baarlamaanka C/Weli Muudey.

Arinta shakiga xoogan abuurtay ayaa ah in 40 ka mid ah xildhibaanadaas ay ka tirsan yihiin xukuumadda Kheyre, taas oo muujineysa in Ra’isul Wasaaraha dalka uu dadaal badan ku bixinayo in Jawaari la rido.

Halsheeg Online

Xafiiska Wararka Muqdisho-Soomaaliya

Halsheeg@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT