Xildhibaan: “Farmaajo markii wax dhacaan inuu Qol isku soo xiro xikmad shaqeynayso ma aha”

Xildhibaan Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar oo ka mid aheyd Xildhibaanada sida weyn u difaacay Guddoomiye Jawaari ayaa ugu baaqday Madaxweyne Farmaajo inuu ka hadlo dagaalka Xukuumadda ku soo qaaday Baarlamaanka.

Xildhibaan Sacdiyo oo ka hadleysay kulan shalay Xildhibaano ku yeesheen Xarunta Villa Hargeysa ayaa sheegtay in aanay marna aqbaleyn in Baarlamaanka lagu mashquuliyo wax aan macno laheyn iyo mooshin, isla markaana ayaga dhexdooda la isku baabi’iyo sida ay tiri.

Sidoo kale waxaa ay sheegtay in Madaxweynaha uu ku sugan yahay dalka, isla markaana uu ka hadlo waxa socda, iyadoo xustay in aan wax la qaadan karin ay tahay in Madaxweynuhu ka aamuso, isla markaana albaabka soo xirto.

“Waxaan maanta dhacaya oo Xukuumadda ay keentay waa in Madaxweynaha uu ka hadlaa Mooshinka illaa hada la wado, Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo anagaa dooranay 20 nin ayaa laga soo dhex saaray in maanta uu ka aamuso, waxa dhacaya guriga hoos ka soo xirto, waxaan ma ogeyn uu dhaho anaga ma qaadan karno, Soomaalina ma qaadan karto waa wax aad u mucjiso u ah”ayay tiri Xildhibaanada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhowr jeer oo hore ka hadlin xaalado siyaasadeed oo dalka ka dhacay, iyadoo xiisadan siyaasadeed ee soo korortay ay u muuqato mid saameyn ku yeelaneysa hey’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Ee Muqdisho-Soomaaliya

Email:-halsheeg@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT