Xildhibaan cadeeyey in Mooshinka uu yahay hubka kaliya ay ku dagaalamaan Xildhibaanada

Guddoomiyaha Guddiga dhaqaalaha Ganacsiga iyo Warshadaha ee Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan C/raxmaan Beenabeena oo ka hadlay wararka maalmahan warbaahinta qabsaday ee Mooshinka ayaa sheegay in mooshinka uu yahay hubka kaliya ee uu adeegsado Xildhibaanka.

Wuxuu sheegay in muhiim ay tahay in Xildhibaan kasta lagu tixgeliyo aragtidiisa iyo mooshinka uu wado,balse uu noqdo mid wax dhisa,sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale,Xildhibaan Beenabeena ayaa cadeeyay in mooshinka uusan ahayn wax la isaga caroodo ama la isaga xumaado,islamarkaana loo baahan yahay in maadama aan nahay dad isku dan ah arintan si taxadar leh loo eego.

Xildhibaanka ayaa u muuqda mid taageersan Mooshinka laga gudbiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheikh Jawaari,islamarkaana fariin u dirayo Xildhibaanada diidan.

Halsheeg Online

Xafiiska Wararka Muqdisho-Soomaaliya

Halsheeg@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT