Warning: include(/home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/menu/guide.php): failed to open stream: No such file or directory in /home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/adminmenu.php on line 18

Warning: include(/home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/menu/guide.php): failed to open stream: No such file or directory in /home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/adminmenu.php on line 18

Warning: include(): Failed opening '/home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/menu/guide.php' for inclusion (include_path='.:/opt/cpanel/ea-php56/root/usr/share/pear') in /home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/adminmenu.php on line 18

Warning: include(/home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/menu/showcase.php): failed to open stream: No such file or directory in /home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/adminmenu.php on line 37

Warning: include(/home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/menu/showcase.php): failed to open stream: No such file or directory in /home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/adminmenu.php on line 37

Warning: include(): Failed opening '/home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/menu/showcase.php' for inclusion (include_path='.:/opt/cpanel/ea-php56/root/usr/share/pear') in /home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/adminmenu.php on line 37

Warning: include(/home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/menu/support.php): failed to open stream: No such file or directory in /home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/adminmenu.php on line 47

Warning: include(/home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/menu/support.php): failed to open stream: No such file or directory in /home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/adminmenu.php on line 47

Warning: include(): Failed opening '/home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/menu/support.php' for inclusion (include_path='.:/opt/cpanel/ea-php56/root/usr/share/pear') in /home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/adminmenu.php on line 47

Warning: Cannot modify header information - headers already sent by (output started at /home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/adminmenu.php:18) in /home/sadaq/public_html/wp-content/plugins/post-views-counter/includes/counter.php on line 276
Top News:- “Haddii Uu Moshinka Jawaari Looga Guuleyssto, Kheyre Waa Gudeeyey”. Sidaas Waxaa Yiri……………. | <link rel="pingback" href="http://www.halsheeg.com/xmlrpc.php" /> Top News:- “Haddii Uu Moshinka Jawaari Looga Guuleyssto, Kheyre Waa Gudeeyey”. Sidaas Waxaa Yiri……………. | Hal Sheegaha La Hubo

Top News:- “Haddii Uu Moshinka Jawaari Looga Guuleyssto, Kheyre Waa Gudeeyey”. Sidaas Waxaa Yiri…………….

Khilaafka siyaasadeed ee ka dhex oogan Guddoomiye Jawaari iyo R/Wasaare Kheyre waa mid iska cad, waxaaa muuqata in xukuumadda Kheyre ay doonayso inay ku tomato hanaanka dowladeed iyo weliba sharciga dalka u degsan marka loo eego qaab dhaqameedkeeda siyaasadeed iyo talaabiiyika aan sharciga ahayn oo waayadan ku can baxday.
Xalay ciidamo cusub oo bedalaya kuwii hore ayaa waxay la wareegeen xarunta Golaha Shacabka dalka Soomaaliya sababo la xiriira Mooshinka ka dhanka ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.
Arrintaas markay dhacday waxaa durbadiiba warbaahinta la hadlay Mudane Jawaari isagoo cadeeyey in Xukuumadda ku tumanayso qawaaninta dalka, arrintaas ay tahay mid aan sharciga waafaqsaneyn.
“Aniga waxaan ahay shaqsi, waa la ii bedeli karaa, waxaan diiday saxiix arrimo xasaasi ah oo dalka iyo dadk aan u wanaagsaneyn, sidaas darteed, waa mida keentay in Mooshin aan xalaal ahayn la iiga keeno, waa la iiga keeni karaa, Mooshin, balse waa in loo soo maraa wadiiqada saxda ah”. sidaas waxaa yiri Guddoomiye Jawaari oo runtii hadalkiisa ay ka muuqato waddaniyad dhab ah.
Dadka siyaasadda ka faalooda waxay aamisan yihiin inuu jiro Mooshin kale oo la rabo in lagu tuuro R/Wasaare Kheyre, taasi beddelkeedana waxa midda sababaty in la abaabulo Mooshin ka dhan ah Guddoomiye Jawaari.
Khilaafka R/Wasaare Kheyre iyo Guddoomiye Jawaari waa mid bannaanka yaala, ilaa iyo imikana M/weynaha dalka Mudane C/llaahi Maxamed Farmaajo ma uusan soo faro gelinin.

Haddaba xog hoose oo ah heshay Warbaahinta Halsheeg.com ayaa waxay wax ka weydiisay hirka siyaasadeed ee iminka ka dhex oogan Jawaari iyo R/Wasaare mid ka mid ah xildhibaanada BF Soomaaliya, wuxuuna ku jawaabay. “Haddii Uu Moshinka Jawaari Looga Guuleyssto, Kheyre Waa Gudeeyey”.

Dhanka kale, caadiyana markii ay qaar ka mid ah Madaxda dalka waxaa haboon in uu M/weynaha soo faro gelio, hayeeshee Mudane Farmaajo wuxuu u muuqdaa mid isku soo xiray qol, kana gaabsaday khilaaf siyaasadeed ee haatan jira, kaasoo haddii aan si deg deg ah xal looga gaarin, ay suurta gal tahay in hanaanka dowladeed oo shacabka u hamuun qabeen lagu hungoobo.
Ugu dambeeyntii, la wada joogee halka uu ku dambeeyo Mooshinka looga soo horjeedo Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Xafiiska Warark Ee Muqdisho-Soomaaliya

Email:- halsheeg@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT