Guddoomiye Jawaari oo gudbiyay dacwo ka dhan ah R/W Kheyre isagoo daliilsanaya

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari oo khilaaf ba’an uu kala dhaxeeyo Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa xalay ku hooyday xarunta Gaashaandhiga oo hooy u ah madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Guddoomiye Jawaari ayaa Xiisada siyaasadeed kala hadlay madaxweyne Farmaajo isagoona ku booriyay inuu soo fara geliyo oo iska daayo aamusnaanta.

Warar soo baxayay ayaa sheegayay in madaxweynaha Soomaaliya uu kullamo gaar gaar ah la yeeshay Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Jawaari si uu kala hadlay iney dejiyaan Xiisada,islamarkaana wax waliba miiska wada hadalka lagu dhameeyo.

Guddoomiye Jawaari oo si cad u sheegay in weerarka ay ku soo qaatay Laanta Fulinta ee Dowladda uu madaxda u yahay Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay inuusan mas’uul ka ahayn wixii ka dhaca xarunta Golaha shacabka oo ay la wareegeen Ciidamo cusub.

Xildhibaanada Golaha shacabka ayaa u kala qeybsamay labo garab,waxayna la kala safan yihiin Xafiiska Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya iyo Golaha Shacabka.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow,oo shir jiraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay ineysan ka laabaneyn Mooshinka ay ka gudbiyeen Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari.

Xafiiska Wararka Ee Muqdisho-Soomaaliya
Email:-halsheeg@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT