DEG DEG DAAWO: – Xukuumadda Somalia oo u jawaabtay Prof Jawaari & Sababtii ciidamada loo geeyay Xarunta BFS

Shir Jaraa’id oo ay goordhow qabteen taliska ciidamada booliska iyo wasaarada amniga ayay ku beeniyeen hadalkii Gudoomiye Jawaari ee ahaa in ciidamo gaar ah la geeyay xarunta baarlamaanka.

Wasiiru-dowlaha wasaarada amniga DFS Xasan Macalin Xuseen ayaa sheegay in ciidamada xarunta baarlamaanka la geeyay ineysan aheyn kuwa gaar ah laakiin ay yihin kuwa boolisk.

“Ciidamadan waa kuwii amaanka ee booliska ahaa, sugayayna amaanka xarunta baarlamaanka, mana ahan kuwa si gaar ah uu Ra’isul Wasaare Kheyre usoo diray”ayuu yiri Wasiiru-dowladaha.

Taliyaha ciidamada booliska ayaa dhankiisa sheegay in ciidamadan la geeyay xarunta baarlamaanka ay yihiin kuwii sugi lahaa amaanka kalfadhiga.

HALKAAN HOOS KA DAAWO MUUQAALKA:-


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT