Dadka U Dhashay Dalka Canada Oo Lagu Dhaco Nambarro Wata Furaha Soomaaliya

Dadweynaha dalka Canada ayaa waxaa ay ka cabanayaan dhibaato ay ku qabaan Nambarro wata furaha Soomaaliya ee 252,kaas oo dadka lagu dhoco.

Taleefannada loo yaqaanno Caaqilka am Smart-ga dadka wata ayaa sheegaya in Nambarrada soo wacaya ay u dhacayaan Internet Wareless-ka Taleefannadooda.

Qof ka mid ah dadka dhibaatada ku qaban furaha Soomaaliya waxaa uu ku noolyahay Magaalada Calgary,ee Gobolka Alberta,waxaa uu sawirro ka qaaday wicitaanno kabadan 10 oo uu hal maalin kaliya la kulmay.

Qof kale oo Canadian ah ayaa sheegay in 4 maalmood gudahood uu helay 43 wicitaan oo Taleefannada Soomaaliya ah,isaga oo sidoo kale sheegay in dad ay derisyihiinna arrintan la kulmeen.

Kaliya ma aha dalka Canada Waddamada lagu dhibaateeyo furaha Taleefanka Soomaaliya,waxaa sidan oo kale horay cabasho uga muujiyay Sharikadaha Isgaarsiinta Waddamada Vietnam iyo Sweden.

Booliska Sweden waxaa ay dhowr jeer dadkeeda uga digeen in ay ka jawaabaan wicitaannada Soomaaliya,iyada oo Wasaaradda Boostada,Isgaarsiinta iyo Tinglojiyadda Soomaaliya oo arrintan wax laga weydiiyayna ay ka gaabsadeen ka hadalkeeda.

Fursaha Internetka ee Somaliya ayey dhawaan dowladda la wareegtay iyada oo furaha Dalka ee Nambarrada ee 252 uusan wali ku jirin gacanta dowladda Federaalka ah.

Xafiiska Wararka Ee Muqdisho-Soomaaliya
Email:-halsheeg@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT