DAAWO:- DOODII Ugu Adkeyd: Sababta Mooshinka Jawaari oo la ogaaday iyo C/Raxmaan C.Shakuur, Kheyre oo………………

Siyaasiga C/Raxmaan C.Shakuur iyo Prof Cabdi Ismaacil Samatar ayaa ka mid ahaa dadkii ka qeyb galay dood Xasaasi ah oo looga hadlay xaalada Soomaaliya.

Mooshinka lagu ridayo Gudoomiye Jawaari ayaa xiisad siyaasadeed oo aad uxoogan ka dhex abuuray dowlada Soomaaliya, waxaana lagu eedeynayaa Ra’isul Wasare Kheyre.

Laakiin, Siyaasiga C.Raxmaan C.Shakuur oo ah mucaaradka ugu weyn ee DFS ayaa sheegay in arintan ay tahay mid ay soo abaabushay Imaaraadka.

Laakiin, Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa sheegay in dhamaan xildhibaanada mooshinka wada ay yihiin kuwa raadsanaya lacago yar oo ay hilmaameen iney matalayaan shacabka Soomaaliyeed.

“Nin walba wuxuu rabaa inuu soo ceshto shilimaantii uu bixiyay markii la dooranayay marka dhamaantood waa isku mid”ayuu yiri Aqoonyahanku.

HALKAAN HOOS KA DAAWO MUUQAALKA:-


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT