TOP NEWS:- Wax badan ka ogow wadahadii burburay ee u dhaxeeyey DFS iyo DamulJadiid ee ka dhacay dalka Turkiga

Xog hoose oo ay heshay Warbaahint Halsheeg.com ayaa waxay sheegayaan in dhawaan shir uu ka dhacay caasaimadda dalka Turkiga.

Shirkaas ayaa waxaa ka wada qeyb galay wafti ka socday DFS oo uu garwadeen ka yihiin labo masuul oo ka kala socda DFS iyo Xisbiga damul-Jadiid, kuwaasoo magacyadooda warbaahinta u uurta geli inay hesho sababo jiro aawadood.

Ahmiyadda shirkaas ayaa waxay wadahalo dhexmara DFS iyo Xisbiga Damul-jadiid, maadaama uu Damul-Jadiid DFS ay u aragto Xisbiga ugu weyne ee mucaaradsan Dowladda uu madaxda ka yahay Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Waftigan ayaa waxay qaateen kulamo xasaasi ah oo ku aaddan siyaasadda dalka gaar ahaan sidii ay Damul-Jadiid u heli lahayd xubinta R/Wasaarnimo islamarkaana uu meesha ka baxo R/Wasaaraha iminka ku fadhiya kursiga R/Wasaaraha ee Xasan Cali Kheyre.

 

Dood dheer kadib waxay labada wafti isku fahmi waayeen arrintaas iyada ah, waxayna wadahadalladii ku soo dhamaadeen natiijo la’aan.

 

Xisbiga Damul- jadiid ayaa waxaa la aamisan yahay inay yihiin Xisbi awood ku dhex leh Golaha Shacabka maxaayeelay xubnahooda Baarlamaanka ayaa waxay kor u dhaafayaan 90 iyo dhowr mudane, kuwaasoo isku xiran islamarkaana ay ka go’an tahay sidii ay u maja xaabin lahaayeen DF Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Ee Muqdisho-Soomaaliya

Email:- halsheeg@gmail.com

Halsheeg Online

Xafiiska Wararka Muqdisho-Soomaaliya

Halsheeg@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT