Muxuu Ku Saleysanaa Kormeerkii Uu Xalay R/Wasaare Kheyre Ku Tagay Degmada Hilliwaa?

R/Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa xalay waqti dambe kormeer ku tegay degmada Hiliwaa ee Gobolka Benaadir.
Kormeerka R/Wasaaraha ayaa waxaa qeyb ka ahaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow),
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya, qaar ka tirsan guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo saraakiil ka tirsan ciidamada ammaanka.
Guud ahaan ammaanka dhammaan xaafadaha ay ka kooban tahay degmada iyo wadooyinka waaweyn ayaa aad loo adkeeyay kuwaasi oo ammaanka xaqiijinayay inta uu kormeerka socday.
R/Wasaaraha Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa kormeer ku tagay baraha Kontorool ee Ciidanka Dowladda ay ku leeyihiin gudaha degmadaasi iyo xarunta degmada, waxayna Ciidamada xilligaasi ku guda jireen howlahooda shaqo.
“In Habeen saq dhexe ah aan joogno degmada Hilliwaa waxa ay ka dhigan tahay Nabadda oo ku sii baaheysa guud ahaan dalka, waxaan diyaar u nahay in har iyo habeen aan u shaqeyno shacabka Soomaaliyeed, Saraakiisha iyo Ciidamada waxaan ku dhiiragelinayaa in ay kordhiyaan waajibaadkooda, maxaa yeelay shacabka adinka ayay idinku seexdaan.” Ayuu yiri Khayre.
R/Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa 14-kii bishan xilli habeen ah ka baaqday kormeer uu doonayay inuu ku maro Isgoysyo ka mid ah Magaalada Muqdisho, kadib markii ay soo kordheen arrimo xasaasi ah oo Siyaasadeed.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT