Warning: include(/home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/menu/guide.php): failed to open stream: No such file or directory in /home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/adminmenu.php on line 18

Warning: include(): Failed opening '/home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/menu/guide.php' for inclusion (include_path='.:/opt/cpanel/ea-php56/root/usr/share/pear') in /home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/adminmenu.php on line 18

Warning: include(/home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/menu/showcase.php): failed to open stream: No such file or directory in /home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/adminmenu.php on line 37

Warning: include(): Failed opening '/home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/menu/showcase.php' for inclusion (include_path='.:/opt/cpanel/ea-php56/root/usr/share/pear') in /home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/adminmenu.php on line 37

Warning: include(/home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/menu/support.php): failed to open stream: No such file or directory in /home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/adminmenu.php on line 47

Warning: include(): Failed opening '/home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/menu/support.php' for inclusion (include_path='.:/opt/cpanel/ea-php56/root/usr/share/pear') in /home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/adminmenu.php on line 47

Warning: Cannot modify header information - headers already sent by (output started at /home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/adminmenu.php:18) in /home/sadaq/public_html/wp-content/plugins/post-views-counter/includes/counter.php on line 276
M/weyne Waare Oo Dhagax Dhigay Xarun Lagu Tababari Doono Ciidamo Militeri Ah | <link rel="pingback" href="http://www.halsheeg.com/xmlrpc.php" /> M/weyne Waare Oo Dhagax Dhigay Xarun Lagu Tababari Doono Ciidamo Militeri Ah | Hal Sheegaha La Hubo

M/weyne Waare Oo Dhagax Dhigay Xarun Lagu Tababari Doono Ciidamo Militeri Ah

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Dr. Maxamed Cabdi Waare ayaa kulan Magaalada Jowhar ee xarunta Dowladda Hirshabelle kula qaatay Wafdi sare oo ka socda Midowga Yurub, waxaana ay ka wada hadleen arrimo kale duwan oo la xiriira Horumarinta iyo Taageerada ay ugu baahan tahay Midowga Yurub.

Madaxa Wafdiga Midowga Yurub ee gaaray Magaalada Jowhar Patrick ayaa Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle kaga mahadceliyay soo dhoweynta loo sameeyay, waxaana uu ku ammaanay dadaalka uu ugu jira dhismaha iyo horumarinta Hirshabelle, isaga oo Midowga Yurub ahaan uu balan qaaday in ay ka saacidayaan dhinacyada Ammaanka Dhisida Ciidanka Boliiska Hirshabelle, Horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, Caafimaadka waxbarashada, iyo arrimo kale.

Kulanka Kaddib ayaa Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Dr Maxamed Waare iyo Madaxa Wafdiga Midowga Yurub Patrick ayaa dhagax dhigay Dugsiga Tababarka Ciidanka Boliiska Hirshabelle ee Magaalada Jowhar kaasi oo lagu tababari doono Ciidamo ay yeelato Hirshabelle, waxaana dhismihiisa uu bilowday isla maanta, waxaana Bisha April uu tababar ugu Furmi doonaa Dufcadii ugu horeysay Ciidanka Boliska Hirshabelle.

Madaxa Midowga Yurub oo dhagax dhiga kaddib hadlay ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay in uu yimaado Magaalada Jowhar islamarkaana la kulmo Madaxda Dowladda Hirshabelle, kalana hadlaan dhisida Ciidanka goob joogna uu ka noqdo dhagax dhiga Dugsiga Tababarka Ciidanka Boliiska Hirshabelle oo uu rajeynayo in ay ka aflaxaan Ciidamo ka shaqeeya xaqiijinta ammaanka awoodna u yeesha in ay ka hortagaan falalka Amni daro.

Sidoo kale Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Dr. Maxamed Cabdi Waare ayaa dhankiisa kaga Mahadceliyay Midowga Yurub Dadaalkooda ku aadan horumarinta iyo Garab istaaga Soomaaliya, waxaana ku ammaanay sida ay u garabtaaganyihiin oo ay ka caawinayaan dhismaha ciidanka Boliiska Hirshabelle, isagoo ku tilmaamay dhagax dhiga dugsigani uu ka turjumayo sida ay isugu howlayaan in laga shaqeeyo xaqiijinta iyo sugida ammaanka.

Fikradaha Akhristayaasha (0)

ADVERTISEMENT