DAAWO:- Wax badan ka ogow buuq iyo gacan ka hadalka ka dhashay Shirkii Gudiyada BFs iyobProf Zakariye halis galay

Buuq iyo Fowdo ayaa ka dhacday kulankii dhexmaray xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya iyo gudiyadda joogtada ah.

Arintan ayaa ka dambeysay kadib markii xildhibaan Zakariye Xaaji oo ka mid ah xildhibaanada mooshinka ka keenay gudoomiye Jawaari uu isagoo khudbeynaya hanjabay xildhibaan dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Maxamed Xasan Idiris.

Xildhibaan Maxamed Xasan Idiris ayaa doonayay inuu handado Xildhibaan Zakariye oo uu ka hor istaago inuu hadlo laakiin waa lagu qeyliyay.

Mudo kadib Xildhibaan Zakariye ayaa goobta isaga kacay isagoo boos kale fariistay, laakiin xaalada ayaa sii xumaatay kadib markii Xildhibaankii Maxamed Xasan Idiris uu mar kale weeraray Mudane Zakariye Xaaji.

Xaalada ayaa isku badashay buuq iyo sawaxan keentay in kaamiroyinku qabtaan xildhibaano isjiid jiidaya.

Waa arrin kale oo muujineysa sida xildhibaanada aysan dhexdooda isku xushmeyneyn.
HALKAAN HOOS KA DAAWO MUUQAALKA:-


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT