XOG XASAASI AH:- R/W Kheyre oo ka War helay Qorshe Halis Ah Oo Ay U Degtay Dowlada Itoobiya

Xog hoose oo ay heshay Warbaahinta Halsheeg.com ayaa sheegeysa in Dowladda Itoobiya ay dhaqaalo badan ku bixineyso Mooshinka Xildhibaanada Baarlamaanka ka wadaan Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Sarkaal ka tirsan Xafiiska Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa inoo sheegay in Ra’iisul wasaaraha uu ka war helay in qorshe mooshinka oo Muqdisho ka socdo ay qeyb ka tahay Dowlada Itoobiya.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada ayaa laogaaday inay lacago aad u badan ka heleen dowlado mooshinka maalgalinaya, waxaana Itoobiya ay qeyb ka tahay dowladahaasi.

Si kastaba ha ahaatee waxaan la ogeyn go’aanka uu qaadan Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre oo si weyn kaga carooday arintan.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT