XOG CUSUB:- R/W Kheyre oo Beelaha Habar Gidir iyo Abgaal u adeegsanaya Arrin Xildhibaanada wadaan

Warar hoose oo ay ogaatay Wakaalada Warqaad.com ayaa sheegaya in Xalay Kulan irdahaha u xiran yihiin Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu Xafiiskiisa kula qaatay Siyaasiyiin iyo Odayaal kasoo jeeda Beelaha Habar Gidir iyo Abgaal.

Kulankan uu dalbaday Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa waxaa looga hadlay arimo ku saabsan xiisada siyaasadeed oo ay ku dhex jirto Xukuumadda Soomaaliya.

Kheyre ayaa masuuliyiintan ka codsaday inay ku qanciyaan Xildhibaanada beelahooda matala in xiligan aysan habooneyn in xukuumada la rido taasoo hormarka dalka u keeni karta dib u dhac xoog leh.

Masuuliyiinta la kulmay Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa u balanqaaday in kulamo gaar ah ay la qaadan doonaan Xildhibaanada iyaga matala si ay kaga laabtaan mooshinka loo diyaarinayo Ra’iisul wasaaraha.

Si kastaba ha ahaatee Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa wada dadaalo uu ku doonayo inuu ku fashilo mooshin ay saxiixeen Xildhibaano aad u badan oo gaba gabo maraya.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT