Warning: include(/home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/menu/guide.php): failed to open stream: No such file or directory in /home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/adminmenu.php on line 18

Warning: include(): Failed opening '/home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/menu/guide.php' for inclusion (include_path='.:/opt/cpanel/ea-php56/root/usr/share/pear') in /home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/adminmenu.php on line 18

Warning: include(/home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/menu/showcase.php): failed to open stream: No such file or directory in /home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/adminmenu.php on line 37

Warning: include(): Failed opening '/home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/menu/showcase.php' for inclusion (include_path='.:/opt/cpanel/ea-php56/root/usr/share/pear') in /home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/adminmenu.php on line 37

Warning: include(/home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/menu/support.php): failed to open stream: No such file or directory in /home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/adminmenu.php on line 47

Warning: include(): Failed opening '/home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/menu/support.php' for inclusion (include_path='.:/opt/cpanel/ea-php56/root/usr/share/pear') in /home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/adminmenu.php on line 47

Warning: Cannot modify header information - headers already sent by (output started at /home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/adminmenu.php:18) in /home/sadaq/public_html/wp-content/plugins/post-views-counter/includes/counter.php on line 276
Wax badan ka ogow magacyada Wasiirada Mooshinka Ka Wada Guddoomiye Jawaari | <link rel="pingback" href="http://www.halsheeg.com/xmlrpc.php" /> Wax badan ka ogow magacyada Wasiirada Mooshinka Ka Wada Guddoomiye Jawaari | Hal Sheegaha La Hubo

Wax badan ka ogow magacyada Wasiirada Mooshinka Ka Wada Guddoomiye Jawaari

Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa si toos ugu biiray ololaha ka dhanka ah Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mr Jawaari, taasoo banaanka u soo saareysa shakigii laga qabay in Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ku lug lahaa Mooshinkii Jawaari.

Shirkii Jaraa’id ee xalay uu qabtay Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka C/wali Ibraahim Muudey ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, inkastoo aysan ka soo muuqan Muuqaalkii shirkii jaraa’id.

Qaar ka mid ah Wasiirada ku dhow dhow Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa lagu arkay kulamo dhowr ah oo ka dhan ahaa Guddoomiye Jawaari, waxaana tirada Xildhibaanada saxiixay mooshinka la sheegay inay ka mid ahaayeen Wasiirada Xildhibaanada ah.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa kulamo la lahaa Xildhibaanada Baarlamaanka, isagoo gadaal ka riixayay mooshinkan iyo ololaha ka dhanka ah Guddoomiyaha rug cadaaga ah Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Khilaafka siyaasadeed ee k dhex bilowday Baarlamaanka iyo Xukuumadda ayaa ka duwan khilaafaadyadii horay loo soo arki jiray, sida Madaxweyne iyo Ra’iisul Wasaare, waxaana la ogeyn halka uu ku dambeyn doono xaalka.

Geesta kale, Xildhibaanada Mucaaradka iyo kuwa taageersan Jawaari ayaa wada mooshin ka dhan ah Ra’iisul Wasaaraha, waxaana diyaar garowga mooshinkan uu soo xoogeystay habeenkii xalay ahaa.

Wasiiradaan ayaa waxaa ka mid ah wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada somaliya Marwo Khadiijo ahna xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya wasiirka ganacsiga maxamed cabdi xayir maareeye kana mid ah Baarlamaanka iyo wasiiro kale ayaa lagu arkayay guriga muuday iyadoo lacago u qaybniya xildhibaanada si ay kalsoonida kala noqdaan gudoomiye Jawaari.

Fikradaha Akhristayaasha (0)

ADVERTISEMENT