R/Wasaare Khayre oo dhaqaale badan ku bixinaya Mooshinka Guddoomiye Jawaari

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Somaliya ayaa dhaqaale badan wuxuu ku bixinayaa buun buuninta iyo abaabulka Mooshinka ka dhanka ah Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari).

Warar madax banaan oo la helay ayaa xaqiijinaya in Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Somaliya uu dhaqaale badan ku bixinaayo sidii arrimaha Mooshinka Jawaari la xiriira loo buun buunin lahaa, iyadoo arrintaan ay door wayn ku leeyihiin Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Somaliya.

Wasiiradda la ogyahay illaa hadda ee Mooshinkaan buun buunintiisa ka dhex muuqda, ayaa ah Wasiirka Ganacsiga Somaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo soo qaaday dhaqaalaha lagu bixinaayo Mooshinkaan, haddii ay tahay midda la siinaayo Xildhibaanada iyo midda la siinaayo Suxufiyiinta si ay mooshinkaan u buun buuniyaan.

Kulan shalay aroortii Xildhibaanada ay ku soo bandhigeen Mooshinkii ay ka soo gudbiyeen Gudoomiye Jawaari ayaa waxaa lagu bixiyay dhaqaale badan oo la siiyay Bahda Saxaafadda si arrimaha Mooshinkaan loo buun buuniyo, islamarkaana lacagtaasi waxaa la siiyay Bahda Saxaafadda.

Ilo Wareedyo ayaa Dhacdo.com u xaqiijiyay lacag dhan $1,500 doolar in la siiyay Suxufiyiin gaaraya 10 kuwaasi oo ku sugnaa madashii Shirka jaraa’id ay ku qabteen Xildhibaanadii soo bandhigay Mooshinka.

Sidoo kale Kulan kale oo Xildhibaanadii Mooshinka soo gudbiyay xalay fiidkii ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho, ayaa Saxaafadda waxaa lagu siiyay lacag dhan $1,000 oo jeebka loo galiyay Bahda Saxaafadda si mooshinka ay u buun buuniyaan.

Waxaa kale oo jiray in Dhaqaale lagu bixiyay kulan xalay Saxaafadda uu u qabtay Gudoomiye Ku xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka C/wali Sheekh Axmed Muudey oo Saxaafadda lagu siiyay lacag dhan $1,200.

Qarashkaan ayaa waxaa bixinaayo Xafiiska Raiisul Wasaaraha Somaliya oo si wayn gadaal uga riixaya arrimaha la xiriira Mooshinkaan iyo buun buunintiisa, waxaana wararka ay sheegayaan xubnaha dhanka Saxaafadda u qaabilsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha inay wadaan abaabulka arrimahaan la xiriira.

Isha: Dhacdo

Halsheeg Online

Xafiiska Wararka Muqdisho-Soomaaliya

Halsheeg@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT