Mukhtaar Roobow oo diiday in ciidamada loo diiwaan galinaayo, lagu biiriyo kuwa lagu arkay 2 arrin oo….

Mukhtaar Roobow ee dhawaan isu soo dhiibay Dowladda Somalia ayaa ka digay in ciidamada loo diiwaan galinayo lagu biiriyo kuwa isticmaala balwada.

Mukhtaar Roobow, ayaa Saraakiisha dowlada iyo maamulka Koonfur Galbeed ee u qaabilsan diiwaan galinta ciidamada cusub ku wargaliyay inuu dib usoo celin doono ciidamada waa haddii ciidamada loo qoraayo lagu biiriyo kuwa isticmala qeybaha kala duwan ee balwada.

Roobow oo loo diiwaan galinaayo 3,000 oo askar kasoo jeeda dhulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay inaanu ciidan u garaneynin kuwa leh balwada ee aanu u muuqan xoreynta dalka.

Waxa uu Roobow Saraakiisha qaabilsan diiwaan galinta ciidamada cusub ku wargaliyay in ciidamada la qaadanaayo laga reebo sida:

1: ­Askari isticmaala balwad sida Qaadka, Sigaarka, Kaniiniga, Qamriga, Xashiishka iyo Calaqa.

2: ­Askarta sida kuwa horay ugu naafooway dagaalo ay kasoo qeybqaateen.

Roobow ayaa lagu wadaa in 3,000 ee Askari uu u adeegsan doono la dagaalanka al­Shabaab, waxaana ay ka dagaalami doonaan Gobolka Shabellaha Hoose.

Dowlada Somalia iyo Mareykanka ayaa Roobow u isticmaali doona la dagaalanka AlShabaab maadaama uu khibrad fog u leeyahay qaababka ay u dagaalamaan maleeshiyaadka.

Si kastaba ha ahaatee, ciidamadaan ayaa waxa uu qoritaankooda ka kala socdaa magaalada Muqdisho iyo magaalada Baydhabo.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT