DAAWO:- Xogtii ugu danbeeyay ee Somalia,mooshinkii Jawaari oo guuleystay iyo M/Somaliland oo…

Waxaa guuleystay mooshinkii laga waday Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari,waxaana aqbalay qabashada mooshinkaasi Guddomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha shacabka C/wali Sheikh Ibraahim Muudeey.

C/wali Sheikh Ibraahim Muudeey,oo xalay shir jiraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in mooshinka ay u keeneen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya,islamarkaana markii uu fiiriyay buuxiyay sharuudihii laga rabay mooshinka,sidaasina uu ansax ku yahay.

HALKAAN HOOSE KA DAALACO MUUQAALKA:-

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa mooshin ka dhan ah Jawaari u gudbiyay Guddoonka Golaha Shacabka,waxaana magaalada Muqdisho ka socda olole ka dhan ah Jawaari oo ay gadaal ka riixeyso Xukuumadda Soomaaliya.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT