Wax Badan Ka Ogow Go’doonka Uu Ku Jiro Iyo R/W Kheyre Oo Qorshe Halis Ah Loo Maleegayo

Xog hoose oo ay heshay Warbaahinta Halsheeg.com ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari uu wajahayo Go’doon xoogan oo kaga imaanaya Xildhibaanada Golaha shacabka.

Jawaari ayaa saacadihii ugu dambeeyay Kulamo la yeelanayay Xildhibaano aad u badan sida uu inoo sheegay Sarkaal ku sugan Xarunta Villa Hargeysa.

Xildhibaanada qaar ayaa eedeymo culus u jeediyay Guddoomiye Jawaari, waxaana ilaa iyo aan jirin natiijo kasoo baxday kulamada u dhaxeeya Jawaari iyo Xildhibaanada.

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo ku kacsan Jawaari ayaa qudhiisa wajahaya xiisad siyaasadeed oo adag waxaana gaba gabo maraya Mooshinka ay Xildhibaanada ka wadaan oo inta ugu badan hada la sheegay in la saxiixay.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT