Puntland Oo War Cajiib Ah Ka Soo Saartay Xeerkii Baarlamaanka Dalka Kaga Mamnuucay Dp World

Wasiirka Dakaddaha Puntland Siciid Maxamed Raage ayaa sheegay in aysan Puntland waxba ka quseyn qaraarka Baarlamanka Soomaaliya ay shaqada ugu joojiyeen Shirkadda DP World.

Maamulka Dakadda Boosaaso ay gacanta ku hayso Shirkadda P&O oo hoos tagga DP-World ayuu sheegay in kaliya amarkaan uu ku eeg yahay DP World Somaliland oo gashay heshiiska saami qaybsiga Dakadda Berbera.

Siciid Maxamed Raage oo ku sugan Imaaraatka Carabta ayaa sheegay in Maamulka Puntland ay la socdaan dhaq-dhaqaaqyada Shirkadda Maamusha Dakadda Boosaaso ee P&O.

“Xeerkaan ma saameynayo Puntland, waxa uu saameynayaa Somaliland oo heshiis kula jirto DP-World, balse Puntland waxa ay heshiis kula jirtaa Shirkadda P&O oo laga leeyahay Imaaraatka Carabta.” Ayuu yiri Wasiirka Dakadda Puntland.

Golaha Shacabka ayaa qaraarkii ay codka ku ansixiyeen ee ka dhanka ahaa Shirkadda Caalamiga Dakada ee Dubai (DP-World) kaga mamnuucay in Soomaaliya ay ka hawlgasho.

Shirkadda P&O oo hoostagta Shirkadda DP-World ayay Madaxda Puntland u dhiibeen maamulka Marsada Boosaaso, mana jiro war ka soo baxay Madaxda Maamulkaasi oo ay kaga hadlayaan.

Halsheeg Online

Xafiiska Wararka Muqdisho-Soomaaliya

Halsheeg@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT