Maxaa Sababay Dagaalka Cusub Ee U Dhaxeeya R/W Kheyre Iyo Shariif Xasan?+ Dacwad Loo Gudbiyay Farmaajo

Xog hoose oo heshay Warbaahinta Halsheeg.com ayaa sheegaysa in Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh uu codsaday in xilka laga qaado Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre.

Shariif Xasan ayaa ka xumaaday fara galin uu Ra’iisul wasaare Kheyre ku sameeyay Maamulka Koofur Galbeed, isagoona Madaxweyne Farmaajo u gudbiyay dacwad ka dhan ah.

Labadan shaqsi oo khilaaf hore uu u dhaxeeyay ayaa isku wada siyaasad hagardaamo ku dhisan, iyadoo dhowr jeer Shariif Xasan uu ku fashilmay Mooshino uu u abuuray Kheyre.

Madaxweyne Farmaajo ayaan la ogeyn sida uu ku xalin doono khilaafka Kheyre iyo Shariif Xasan.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT