Dhalinyaro Mar Kale Laga Keenay Liibiya Oo Magaalada Muqdisho Soo Gaaray

Magaalada Muqdisho waxaa kasoo degtay diyaarad wadda 13 dhallinyaro Soomaali ah oo ka mid ahaa Soomaalida ku xir xiran dalka Liibiya.

13kan dhallinyarada ah mid ka mid ah waa Gabar,waxaana ay ka mid ahayd dhallinyarada Tahriibka ku gashay Liibiya hayeeshee hadda dalka dib ugu soo laabtay.

Mas’uuliyiin ka mid ah dowladda Soomaaliya ayaa ku soo dhaweeyay Garoonka Diyaarada Aadan Cadde ee Magalaada Muqdisho,iyaga oo goobta kula hadlay warbaahinta.

Waa markii 3aad oo Sanadkan gudahiisa ay Dhallinyaro ka soo laabtay Liibiya dalka dib ugu soo laabanayaan,waxaana socda dadaal ay waddo dowladda Soomaaliya oo dhallinyarada ku xir xiran Xabsiyada caalamka dalka dib loogu soo celinayo.

4tii Bishan ayey ahayd markii 76 dhallinyaro Soomalai ah oo ku xir xirnaa xabsiyada Dalka Hindiya dalka dib loogu soo celiyay.

Halsheeg Online

Xafiiska Wararka Muqdisho-Soomaaliya

Halsheeg@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT