DEG DEG:- Madaxtooyda Soomaaliya Oo Gashay Jawi Aad U Mashquul Badan Iyo Xildhibaano Hal Arrin U Buux Dhaafiyay

Wararka naga soo gaaray Xarunta looga arrimiyo dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in halkaa uu ka jiro Jawi aad u mashquul badan, waxaana ku sugan Xildhibaano aad u farabadan.

Jawiga Mashquulka badan ayaa la sheegay inuu sabab u yahay Mooshin ay Xildhibaanada baarlamaanka Somalia ka gudbiyeen Guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Xildhibaanada Jawiga mashquulka badan galiyay Villa Somalia ayaa ku kala sugan Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha dalka, waxaa jira xogo muujinaaya inay u yeeren labada mas’uul.

Xildhibaanada qaar ayaa lasoo sheegayaa inaysan weli gaarin Madaxtooyada Somalia kuwaa oo intabadan lahaa qorshaha lagu gudbiyay Mooshinka.

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul wasaare Kheyre ayaa doonaaya inay qaboojiyaan Mooshinka ka dhanka ah Guddoomiye Jawaari, waxa ayna xooga saarayaan sida looga gudbi lahaa Mooshinka ka dhanka ah Jawaari.

Warar madaxbanaan ayaa sheegaya in mashquulka ka jira Villa Somalia uu qeyb ka yahay Ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre oo qudhiisa lala damacsan yahay Mooshin.

Ra’isul wasaare Kheyre ayaa Xalay Kormeer uu sameyn lahaa u baajiyay kadib markii la helay xogta ku aadan Xildhibaano waday abaabul Mooshin ka dhan ahaa Kheyre.

Ra’isul Wasaare Xasan Cali Khayre oo qaba dareenka Mooshin, maadaama ay jiraan Xildhibaano Siyaasad ahaan ku kacsan, wallow walwalka uu qabo Ra’isul wasaare Kheyre uusan sidaa usii weyneen.

Si kastaba ha ahaatee, mashquulka ka jira Villa Somalia ayaa xal loogu raadinayaa Mooshinka Guddoomiye Jawaari laga gudbiyay.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT