Wasiirka Boostada & Isgaarsiinta DFS Oo U Jawaabay Somaliland Oo Xaaladdqa Ku Xun Tahay

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Tignolojiyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa jawaab cad ka bixiyey hadalkii kasoo yeeray Maamulka Somaliland ee ku saabsanaa inay mamnuuceen adeegsiga astaanka Soomaaliya ee .SO.

Wasiirka Eng. Cabdi Canshuur Xasan ayaa go’aankaasi ku tilmaamay mid khaldan oo aan u adeegeynin danaha dadka, shirkadaha, hay’adaha iyo jaamacadaha Soomaaliyeed, maadaama ay halkaas ku weynayaan in la aamino iyo inay wax la qabsan karaan shirkadaha iyo hay’adaha kale ee ajnabiga ah.

Guul weyn oo taariikhi ah ayay inoo tahay in maamulka astaanta internetka ee Soomaaliya ay la wareegto Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, oo sidoo kale maamuli doonta isticmaalka furaha taleefoonka (252), oo labaduba ah hanti qaran.

Soomaali kasta oo ku nool Jamhuuriyadda wuxuu xaq u leeyahay inuu adeegsado furaha taleefoonka (252) iyo kan internet-ka (.so). Waxaa sidoo kale xaq u leh qof, shirkad, ama hay’ad kasta oo dalka ka hawl gasha. Waa calaamad muujineysa juquraafi ahaan iyo aqoonsi ahaanba halka aad ku nooshahay, ka diiwaan gashan tahay ama ka shaqeyso.

Astaanta interntka waxaa si gaar ah ugu baahan shirkadaha, jaamacadaha iyo ururrada waddaniga ah, si ay u muujiyaan inay ka dhisan yihiin Soomaaliya iyo xaaladda diiwaangelin ee ay dalkaasi ka haystaan haddii ay tahay .edu.so, org.so, iwm. DotSO waxaa maanta laga isticmaalaa adduunka oo dhan, in laga hor istaago qeybo ka mid ah dadkii Soomaaliyeed ee xaqa u lahaana waa go’aan aan u adeegeynin danaha dadka, shirkadaha, hay’adaha iyo jaamacadaha Soomaaliyeed, waayo waxay halkaas ku weynayaan in la aamino iyo in ay wax la qabsan karaan shirkadaha, hay’adaha iyo jaamacadaha kale ee dhiggooda ah.

DotSO waa hanti qaran oo uu wax ku leeyahay Soomaali kasta, inuu fa’iideystana waa mid ka mid ah xuquuqaha muwaadinka. Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada waxaan diyaar u nahay inaan fududeyso sidii dhammaan shacabka Soomaaliyeed meel kastoo ay joogaan ay uga faa’ideysan lahaayeen adeeggan, waxaana dhowaan soo bandhigi doonna qorshe ballaaran oo la xiriira ka faa’iideysiga Astaanta dotSO.

Halsheeg Online

Xafiiska Wararka Muqdisho-Soomaaliya

Halsheeg@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT