Waa kuwee Xildhibaanada fashilmay ee lacagaha ka qaatay Shirkadda DP World?+FASHILAAD

Xog culus oo ay heshay warbbaahinta Halsheeg.com ayaa sheegaya in 11 Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka ay ku fashilmeen qorshe la doonayay in Baarlamaanka uusan go’aan kasoo saarin arinta DP World.

Xildhibaanadan ayaa lacago ka qaatay Shirka DP World, waxayna ujeedadoodu aheyd inay ka hortagaan go’aanka Baarlamaanka uu dalka kaga mamnuucayo shirkada DP World.

Xildhibaannada saxiixay mooshinka lagu doonayay in aan go’aan looga qaadan Shirkada dP World waxay kala ahaayeen Maxamed Cumar Carte Qaalib, Cabdi raxmaan Ibbi, Axmed Maxamud Sheekh(Dhagaweyne), Maxamed Ibraahi Cabdi (Diyeeshe), Cali Maxamed Muuse, Aamino Cumar Jaamac, Huda Axmed Cali, Axmed Maxamed Jaamac, Faadumo Ismaaciil Xuseen, Aamino Sheekh Cusmaan’ iyo Faadumo Xasan Cali.

Si kastaba ha ahaatee Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa hore ugu digay Shirkadaha Ajaaniibta ee Mashaariicda la fulinaya Soomaaliya, waxayna talaabadan keeni doontaa in Shirkadaha iyo dowlada dalka mashaariicda ka fulinaaya ay amar ka sugaan Dowlada Soomaaliya.

Halsheeg Online

Xafiiska Wararka Muqdisho-Soomaaliya

Halsheeg@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT