Nolosha Xildhibaano ka tirsan DFS oo halis ku jirta ka dib weerarkii Cabdi-qeybdiid lagu qaaday

Iyadoo maanta Aqalka sare ay Guddi u saareen weerarkii dhawaan lagu qaaday Guri uu magaalada Muqdisho ka degan yahay Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa hadana waxaa jira warar sheegaya in Xildhibaano kale oo ka tirsan Aqalka sare cabsi in la dilo ama la weeraro ay soo food saartay.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Aqalka sare oo maanta ka hadlay kullan ay magaalada Muqdisho ku yeesheen ayaa waxay sheegeen in mar haddii xog dhameystiran laga heyn weerarkii C/qeybdiid lagu qaaday lana soo qaban dadkii ka danbeeyay iyagana ay ka cabsi qabaan in sidaasi oo kale loo weeraro madaxda Dowladana iska indho tiraan.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Xildhibaanada qaar feejignaan ay kaga jiraan weerar lagu soo qaado oo kaga yimaada Dowladda Federaalka Soomaaliya,maadama weerarkii Senator C/qeybdiid ay ka danbeeyeen Ciidamo ka tirsan Soomaaliya oo tababar ka helay Imaaraadka carabta.

Sen. Cabdi Xasan Cawaale qaybdiid ayaa maanta kulanka golaha aqalka sare ka sheegay in ciidamada weeraray Gurigiisa la siisay amar qaldan oo ah in Gurigiisa lagu tuhunsanaa in uu ku jiro Ninkii ka danbeeyey Qaraxii 14 October.

Waxaa uu hadalkiisa raaciyay in Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA, ay amarkan Gurigiisa lagu wareeray bixiyeen Ciidamada Imaaraadku tababaray weerareen Gurgiisa.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT