Maxay ka wada hadleen Guddiga isku dhafka BL Galmudug iyo M/weybe Xaaf?

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa mantay la kulmay Guddiyada isku dhafka Barlamaannada iyo Dastuurka Maamullada Galmudug Iyo Ahlu sunna.

Xaaf ayaa kormeerkiisa inta uu waday waxa uu dhageystay qaabka ay u socoto howsha xubnahaan loo xilsaaray iyo halka ay wax u marayaan.

Waxa uu ku dhiira-geliyay guddidaan habka ay howsha u wadaan, isagoona ka codsaday in ay dadajiyaan howlaha la isku dhafayo Baarlamaanka iyo wax kabadalka qodobo kamid ah Dastuurka Galmudug.

Abuukaate Bashiir Xaaji Yuusuf oo xubin ka ah Guddiga isku dhafka Baarlamaanka iyo dastuurka Galmudug oo kulanka kadib warbaahinta la hadlay waxa uu sheegay in todobaadka soo socda ay kusoo gaba-gabeyn doonaan howsha lagu mideysnayo baarlamaanka.

Waxa uu intaa kusii daray in ay dib u eegis ku sameeyeen Cutubyada 1-aad iyo 2-aad, ayna labada ceshe ee soo socda kusoo gaba-gabeyn doonaan howlaha lagu mideysanayo Baarlamaanka Galmudug iyo kii ahlu sunna.

Magaalada Dhuusamareeb waxaa ku sugan Madaxda ugu sareyso Maamulka Galmudug, waxaana socona qorshe lagu mideysanayo labada Baarlamaanka ee Galmudug iyo Ahlu Sunna.

Waxaana kulamo aanan kala go’ laheyn, quseeyana arrintaan Dhuusamareeb ugu socdaa guddiyo labada dhinac ka kala socda.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT