DAAWO:- Waa Kee Waddanka Dhex-Dhexaadin doona Soomaaliya iyo maaraadka “DP World” oo soo laaban doonta

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ayaa amray in guud ahaanba Soomaaliya laga saaro shirkadda DP World.

Shirkadan ayaa loo haystaa iney gashay heshiis aysan waxba kala socon dowlada Soomaaliya, iyadoo ku doodeysa in heshiiskaas ay la gashay Somaliland oo ay dal ahaan u aqoonsan tahay.

Laakiin, waxaa jira dalal Carabta ah oo doonaya iney dhex dhexaadiyaan Imaaraadka iyo Soomaaliya, kuwaas oo xariirkoodu gaaray meel aad u sareysa

Wasiirka arimaha dibada Soomaaliya Axmad Ciise Cawad ayaa sheegey in dal ka tirsan ururka Jaamacada Carabta dhexdhexaadin doono wadanka Soomaaliya iyo Imaraadka.

HOOS KA DAAWO WAREYSIGA OO BUUXA:

Wararka ayaa intaas ku daraya in dalka Sacuudigu uu doonayo inuu dhex dhexaadiyo Soomaaliya iyo Imaaraadka si arintaan loo dhameeyo.

Si kastaba, dhawaan ayay ahayd markii ay dowlada Soomaaliya ay Jaamacada Carabta u gudisay dacwad ka dhan ah Imaaraadka, taas oo xaalada meel xun gaarsiisay.

HOOS KA DAAWO GO’AANKII BAARLAMAANKA EE MAANTA:

Halsheeg Online

Xafiiska Wararka Muqdisho-Soomaaliya

Halsheeg@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT