Ciidanka Dowladda oo isku diyaarinaya dagaal culus oo Shabaab looga saarayo G/Sh/dhexe

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in Ciidamada malitariga Soomaaliya dhaq dhaqaaqyo xoogan ay ka wadaan deegaano ka tirsan gobolkaasi.

Dhaq dhaqaaqyada ayaa si weyn looga dareemaya duleedka degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada dowladda ee gobolkaasi oo aan la xariirnay ayaa sheegay in ay wadaan howlgallo ka dhan ah Al Shabaab, islamarkaana u jeedkooda uu yahay in ay ka saaraan deegaanadaasi.

Muddooyinkii dambe Al Shabaab ayaa kordhiyay weerarada ay ka fuliyaan gobolkaasi, iyagoo dhawaan la wareegay ganac ku heynta degmada Balcad, inkastoo saacado ka dib ay dib uga baxeen magaaladaasi.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT