Wasaaradda Amniga oo Digniin u jeedisay Milkiilayaasha Garoomada Ciyaaraha ee Muqdisho & Qorshihii Shabab oo la ogaaday kadib…..

Wasaaradda Amniga xukuumadda Soomaaliya ayaa u digtay milkiilyaasha Garoomada Ciyaaraha yaryar ee loo yaqaan Sallaxa inay u hoggaansamaan amarrada kooxda Alshabaab.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga C/casiis Xildhibaan ayaa sheegay inaan marna la aqbali karin iyadoo ammaanka Magaalada Muqdisho ay gacanta ku hayso dowladda Soomaaliya in haddana dadku qaataan amarrada AlShabaab.

>Wuxuu afhayeenka wasaaradda Amniga uga digay Milkiilayaasha Garoomadda Kubadda Cagta ee Muqdisho inay u hoggaansamaan amadrada ka soo baxaya Al Shabaab, wuxuuna intaas ku daray in tallaabo laga qaadayo ciddii u hoggaansanta amarrada Alshabab.

Xogta la helayo ayaa sheegeysa in ujeedka Alshabab u xirtay Garoomada Ciyaaraha Muqdsho ay ahaayeen inay bixiyaan lacago canshuur ah, iyadoo fasaxday garoomada ogolaaday inay bixiyaan lacagtaasi.

Halsheeg Online

Xafiiska Wararka Muqdisho-Soomaaliya

Halsheeg@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT