Taliyaha Nabad Sugidda Iyo Guddoomiyaha G/Banaadir Oo Xalay Lagu Arkay Degmooyin Aan Laga Fileyn

Guddoomiyaha G/Banaadir ahna duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Eng Yariisow oo ay wehliyaan Taliyaha Ciidanka Booliska Gen Bashiir Cabdi Maxamed iyo Taliye ku xigeenka Hey’adda Nabadsugidda Soomaaliya Jaamac Maxamed ayaa waxaa ay xalay kormeer ku tageen degmooyinka Kaaraan , Yaaqshiid iyo Hiliwaa ee Gobolka Banaadir.

iyadoo meelaha ay mas’uuliyiinta booqdeen kamid ahaayeen Xero Maslax iyo Darmooleey ayuu taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliya Jen Bashiir Cabdi Maxamed waxaa uu sheegay in ay tusale u tahay sida ciidamada amanka u xaqiijiyeen amniga.

Guddoomiyaha G/Banaadir ahna duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ayaa waxaa uu sheegay in been abuur tahay wararka la sheego ee ah in dagaalamaayasha Al-shabaab ay ku xooganyihiin degmooyinka waqooyi ee Muqdisho.

Yariisow ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay in shacabka dhamaan degmooyinka Gobolka uu ka codsanayo in ay la shaqeeyaan dowladda oo ay hey’adaha amniga ku wargeliyaan wixii amaanka carqalad ku ah.

Inta badan degmooyinka Hiliwaa iyo Yaaqshiid ee ay xalay mas’uuliyiinta ku tageen kormeerka ayaa waxaa ka dhaca dagaalo ay Al-shabaab ku qaadaan saldhigyada ciidamada dowladda ay ku leeyihiin degmooyinkaasi.

Halsheeg Online

Xafiiska Wararka Muqdisho-Soomaaliya

Halsheeg@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT