Maxaa ka jira in Erdogan iyo Putin ay Booqasho ku imaan Doonaan Muqdisho?

Warar aan ka helney ilo Muhiim ah ayaa sheegaya in marka uu Madaxweynaha Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu soo dhameysto Booqashada dalka Qadar in Dowladda faderaalka ay u Diyaargaroobi Doonto sidii ay Muqdisho ugu soo dhaweyn lahaayeen Madaxweynaha Dalka Turkiga Ordogan iyo Madaxweynaha Ruushka ee Putin .

Hadii ay booqashadaan Madaxdaan sare Suurta gasho waxaa aduunka uu ku sii siqayaa in ay sameysmaan isbaheyso , waxaana hardanka ugu weyn uu noqon doonaa cidda gacanta ku dhigta Marinka Badda Cas iyo Badweynta Hindiya oo noqon doonta mid Maamuli doonta Gacasiga aduunka

Booqashada Madaxweyne Farmaajo ee dalka Qadar hadii ay dhacdo waxay dadka Saadaalinayaan in gabi ahaanba xiriirka loo jaro Dowladda imaaraadka ka dib markii uu Duqlaadkii uu ka dhamaadey Dowlada Federaalka islamarkaana Shacbka ay si weyn uga soo horjeesteen faragelinta Imaaraadka iyadoo Madaxweyne Farmaajo Khudbadii uu ka jeediyey BAarlamaanka uu si weyn durey heshiiskii Barbara kuna Tilmaamey mid ka hor imaanaya midnimada Soomaaliya.

Dowlada Soomaaliya ayaa Sannadkii 1977 ayaa

Xiriirka u jartey Dowladii Ruushka ka dib markii ay la safatey dowlada Itoobiya wixii waqtiaa ka dambeeyey Xiriirka Soomaaliya iyo Ruushka waxaa uu ahaa mid iska gabi Dhacleynaya waxayna Dadka Siyaasada u Kuurgala ay sheegayaan Isbaheysiga Turkiga , Ruushka, Qadar Masar u u leeyahay Faaiido iyo Khasaaro.

Markaan ka fiirino waxa ka imaan kara hadii ay Soomaaliya ku Biirto Isbaheysigaa in Aduunka uu ku Hardamo Dhulka iyo Badaha Soomaalia maadaama la sheegey in Marinka Badda Cas iyo Badweynta Cidii gacanta ku dhigta ay Mustaqbalka noqon doonaan mid laga Maamula Ganacsiga aduunka, waana mida maanta ay la rafaneyso Dowlada Imaaraadka oo ka cabsi qabta in ay meel cidla ku soo dhacda sidaa Darteed isbaheysiga uu Horkacayo Turkiga dadka Soomaaliyeed badankiis waxay qabaan mid mira dhali doonaa waa hadii uu ka badbaado Isbaheysiga kale ee Imaaraadka iyo Sacuudiga oo lagu xanto in ay u adeegayaan Mareykanka, Hadaba la arki doonaa waxaa ka soo baxa Booqashada Ordogan iyo Putin ee Soomaaliya. inkastoo Dadka Soomaaliyeed ay aad uga Xumaadeen waxa Ruushka uu ka sameeyeen Suuriya.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail:amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail:amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
Tel 00252615532494


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT