Dowladda Maaraadka Oo Ka Digtay Falalka Ay Sameyn Doonto Haddii Xiriirka U Jarto Somalia

Xog gaara oo ay heleyso Warbaahinta halsheeg.com sheegaysa in Dowladda Imaaraadka ay ku hanjabtay hadii dowlada Federaalka ku fududaato inay xiriirka u jarto in ay joojin doonaan Mushaaraadka ay siiyaan Ciidamada Soomaaliyeed ay Imaaraadka tababartay iyo Mashaariicda hormarineed oo Soomaaliya ay ka wadaan.

Sarkaal ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya ayaa inoo sheegay in Imaaraadka uu qaadan doono talaabooyin culus uu kaga jawaabayo hadii xiriirka u jarto dowlada Soomaaliya, waxaana sidaas ay ku cadeeyaan Warqad ay usoo direen Dowlada Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa Warqada ku qornaa in dhamaan Mashaariicda Imaaraadka ka wado Soomaaliya la joojin doono, waxayna taasi dhabarjab weyn ku noqon kartaa dowlada Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee Dowlada Soomaaliya ayaa dooneysa inay wada hada ku dhameyso Heshiiska dekada Berbera ee muranka badan dhaliyay, si aysan u joogsan Mashaariicda hormarineed iyo dhaqaalaha dowlada Imaaraadka ku taageerto Soomaaliya.

Halsheeg Online

Xafiiska Wararka Muqdisho-Soomaaliya

Halsheeg@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT