DHAGEYSO: – BF Soomaalya Oo Go’aan Ka Gaaraya Heshiiskii DP World & Somaliland

DHAGEYSO: – BF Soomaalya Oo Go’aan Ka Gaaraya Heshiiskii DP World & Somaliland
Xubnaha golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya oo 10-kii bishaan Maarso Kalfadhigooda seddaxaad uu furay madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa maanta yeelanayo kulanka ugu horeeyo Kalfadhigaan.

Ajandaha kulanka maanta ee Xildhibaanada waxaa uu yahay Heshiiska Dp world ee Ku saabsan dekadda berbera kaa oo udhaxeeyayEthopia , Soomaaliland iyo sidoo kale shirkadda DP world ee laga leeyay Wadanka isu tagga imaaraadka carabka.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO:-

Golaha shacabka Soomaaliya ayaa la filayaa in Dood ka dib ay Go’aan qaataan kaa oo aan la ogeyn in uu la mid noqonaya kan Xukuumadda ee ah in heshiisku sharci darro yahay iyo in uu ka duwanaan doono.

Arrintaasi Ku saabsan heshiiska dekadda Berbera ayaa hakad gelisay Wadahadaladii Soomaaliya iyo sidoo kale Soomaaliland waxaana uu u muuqdaa mid wax kala fogeynayo.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT