DEG DEG:- Imaaraadka Carabta Oo Digniin Xoogan U Diray Dalka Turkey Iyo Xiisadda Oo Cira Iksu Shareertay

Imaaraadka Carabta ayaa Turkey u sheegay inaan la aqbali karin siyaasada uu kula dhaqmayo wadamada Carabta, waxaana uu kula taliyay inuu ixtiraamo midowgooda.

Xariirka udhaxeeya labada dal ayaa xumaaday kadib markii Xukuumadda Ankara ay taageertay Qatar kadib markii ay xariirka u jareen dalalka Sacuudiga, Imaaraadka, Baxreyn iyo Masar, waxaana xiligaas Qatar lagu eedeeyay iney taageeraan kooxaha Argagaxisada.

“ma ahan wax qarsoon in xariirka Carabta iyo Turkey aysan aheyn mid mid sidii hore u wanaagsan,” waxaa sidaas yiri Wasiirka Arimaha dibadda Imaaraadka Anwar Gargash kaas oo hadalkiisa ku daray “Si aan caadi ugu laabano, Ankara waa in ay ixtiraamaan madax bannaanida Carabta”

Imaaraadka ayaa umuuqda kuwa wada qorshe ka dhan ah Iqwaanu Muslimim. Waxaana ay Abu Dhabi mudo badan taageereysay mucaaradka ugu weyn madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ee AK party.

Turkey ayaa sidoo kale taageero weyn u haya dowlada dhexe ee Soomaaliya taas oo dhexda uga jirta xiisada wadamada Carabta.

Imaaraadka ayaa dhawaan heshiis sedex geesood ah kula wareegay dekada Berbera, waxaana arintaas ay xoogeysay khilaaf ka udhaxeeya dowlada madaxweyne Farmaajo iyo Imaaraadka.

Nagala Soco Youtube Channel – Fadlan Subscribe saar

Halsheeg Online

Xafiiska Wararka Muqdisho-Soomaaliya

Halsheeg@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT