Warning: include(/home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/menu/guide.php): failed to open stream: No such file or directory in /home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/adminmenu.php on line 18

Warning: include(): Failed opening '/home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/menu/guide.php' for inclusion (include_path='.:/opt/cpanel/ea-php56/root/usr/share/pear') in /home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/adminmenu.php on line 18

Warning: include(/home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/menu/showcase.php): failed to open stream: No such file or directory in /home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/adminmenu.php on line 37

Warning: include(): Failed opening '/home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/menu/showcase.php' for inclusion (include_path='.:/opt/cpanel/ea-php56/root/usr/share/pear') in /home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/adminmenu.php on line 37

Warning: include(/home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/menu/support.php): failed to open stream: No such file or directory in /home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/adminmenu.php on line 47

Warning: include(): Failed opening '/home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/menu/support.php' for inclusion (include_path='.:/opt/cpanel/ea-php56/root/usr/share/pear') in /home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/adminmenu.php on line 47

Warning: Cannot modify header information - headers already sent by (output started at /home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/adminmenu.php:18) in /home/sadaq/public_html/wp-content/plugins/post-views-counter/includes/counter.php on line 276
Yaa ka dambeeyey 3-da Ruux oo siyaabooyinka kala duwan loogu dilay magaalada Muqdisho? | <link rel="pingback" href="http://www.halsheeg.com/xmlrpc.php" /> Yaa ka dambeeyey 3-da Ruux oo siyaabooyinka kala duwan loogu dilay magaalada Muqdisho? | Hal Sheegaha La Hubo

Yaa ka dambeeyey 3-da Ruux oo siyaabooyinka kala duwan loogu dilay magaalada Muqdisho?

Ururka Al-shabaab ayaa magaalada Muqdisho gaar ahaan Labaajada Mahad Alla ee degmada Yaaqshiid duhurnimadii maanta waxa ay ku dileen ilaa Saddex qof oo mid ka mid ah uu yahay Askari ka tirsanaa Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dadka Goobjoogayaal ah ayaa Warbaahinta u sheegay rag hubeysan oo Shabaab ka tirsan in agagaarka Labaajada Mahad Alla ay ku dileen Saddexdaasi qof, kadibna ay goobta ka baxsadeen.

Ragga hubeysan ayaa marka hore toogtay Askariga, kadib waxa ay halkaasi ku dileen labada qof ee shacabka ahaa, Shabaabka dilka geystay ayaa qaatay Qoriga iyo Booshashkii uu watay Askariga.

“Walaalow waxaa degmada Yaaqshiid ka dhacay, dil rag hubeysan oo Shabaab ka tirsan ay u geysteen ilaa Saddex qof oo mid uu ahaa Askari, halka labada kalena ay ahaayeen shacab, Askariga qorigiisa iyo booshashkii uu watay ayay qaateen, waxaan u maleynaa shacabka in loo dilay in ay arkayeen markii uu dilka dhacayay”. Ayuu yiri Qof goobjooge ah.

Ciidamo hubeysan oo ka tirsan Dowladda Federaalka ayaa goobta ka qaaday meydka Askariga la dilay iyo labada qof ee shacabka ah, waxayna Ciidamada halkaasi ka wadaan baaritaano la xiriira sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa raggii dilka geystay.

Fikradaha Akhristayaasha (0)

ADVERTISEMENT